Deni iyo Firdhiye oo ka wadahadlay difaaca gobolka Sool

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo hoggaanka cusub ee Guddiga Fulinta SSC, Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) ayaa kulan ku yeeshay khadka taleefanka.

Madaxweyne Deni iyo hoggaamiye Firdhiye ayaa ka wadahadlay difaaca gobolka Sool, sida lagu sheegay bayaan kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, waxaa uu maanta Khadka taleefanka kula hadlay hoggaanka cusub ee Guddiga SSC, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye). Bogaadin iyo mahadcelin kadib, waxay ka wadahadleen sidii loo adkeyn lahaa difaaca gobolka Sool” ayaa lagu yiri bayaan.

Guddiga Fulinta 45 ah ee soo xuleen beelaha SSC ayaa 5-tii bishan Agoosto Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) u doortay guddoomiye, waxaana hoggaanka cusub horyaalla arrimo ay ka mid yihiin difaaca gobolka Sool.

PUNTLAND POST