Xamse Warfaa oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho Xamse Warfaa oo ah la taliye sare oo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka u qaabilsan dhinaca dimuqraaddiyadda iyo xuquuqda aadanaha.

Xamse Warfaa ayaa ah mas’uulkii ugu sarreeyey ee asalkiisu Soomaali yahay oo xil ka qabta Xukuumadda Mareykanka, waxaana la taliye sare u magacaabay Madaxweyne Joe Biden 2022.

Ujeedka socdaalka uu Xamse ku yimid dalka ayaa daaran sidii uu ugu kuurgeli lahaa horumarinta dimuqraadiyadda iyo xuquuqul insaanka Soomaaliya, isla markaasna uga shaqeyn lahaa sare-u-qaadidda danaha ka dhaxeeya labada dal ee Mareykanka iyo Soomaaliya.

La taliye Xamse ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaannada labada Aqal, Ku-xigeenka Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ahna ku Simaha Xoghayaha iyo mas’uuliyiin kale.

PUNTLAND POST