Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay La-taliye ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Lataliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Iinsaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Xamse Warfaa oo soo gaaray Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo La-taliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Insaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa ka wadahadlay ilaalinta xorriyadda hadalka, madaxbannaanida saxaafadda iyo xaqiijinta xogsiinta shacabka ee arrimaha dowladnimada.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha iyo La-taliye Xamse Warfaa ayaa iska xogwareystay xaaladda dalka, dagaalka ka dhanka argagixisada, qorsheyaasha horumarinta dimuqraadiyadda iyo xuquuqul-iinsaanka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Xamsa Warfaa uu caddeyn u yahay firfircoonida iyo dad la dhaqanka ay ku tilmaaman yihiin dadka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay adduunka ka joogaan, waxa uuna sheegay in doorka muuqda ee ay ku leeyihiin dalalka horumaray looga baahan yahay in uu ka muuqdo dhulkooda hooyo.

Dhankiisa, La-taliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Insaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Mudane Xamse Warfaa ayaa uga mahad-celiyey Ra’iisul Wasaaraha soo dhaweynta wanaagsan iyo kulanka miro-dhalka ah.

PUNTLAND POST