Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ayaa soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta dowlad-goboleedka Galmudug.
Madaxweyanaha ayaa waxaa sii diirran ugu soo dhaweeyey Dhuusamareeb Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Kuxigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid, Guddoonka iyo XIldhibaannada Golaha Wakiillada Galmudug, iyadoo qorshaha Madaxweynuhu uu yahay in uu halkaas ugu shaqeeyo si kumeel-gaarka ah.
Sidoo kale, Safarka Madaxweynaha ayaa ku saleysan dhammeystirka dagaalka looga xoreynayo AS deegaannada Galmudug, iyadoo uu xoogga saari doona kormeerka furumaha dagaalka, abaabulka bulshada iyo dhiiragelinta ciidamada naftooda u huraya xoreynta Qaranka.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey bulshada iyo maamulka Galmudug sida ay ugu midoobeen garab istaagga ciidamada naftood hureyaasha ah ee u istaagay cirib-tirka Argagixisada, waxa uuna sheegay in la joogo wakhtigii laga miro-dhalin lahaa halganka xoreynta ee ka socda deegaannada Galmudug.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.