Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in hay’adaha amniga ay qabteen xubno ku dhex-jira dowladda, oo u basaasayey kooxaha Argagixisada ah.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac, oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay in dadkan oo ay qabatay hay’adda NISA ay gaarayaan 10 xubnood.
Waxa uu sidoo kale sheegay inay baxsadeen laba qof oo kale oo ka tirsanaa hay’adaha amniga, kuwaas oo si hoose ula shaqeynayey kooxda AS.
Wasiirka ayaa magacyada labada qof, ee baxsaday ku sheegay Cabdisataar Cabdulqaadir Ciise iyo Ayaanle Maxamed Cali balse ma shaacin magacyada xubnaha gacanta lagu hayo.
Daa’uud Aweys ayaa sheegay in dadka la qabtay ay ka dambeysay markii la ogaaday inay jiraan dad ku dhex jira dowladda oo xogta u gudbiya maleeshiyaadka AS.
PUNTLAND POST