
Wasiirka Caddaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka u baahan yihiin in siyaasadda laga saaro.
Wasiirka ayaa tilmaamay in doorka odayaasha dhaqanka uu yahay hormarinta arrimaha dhaqanka iyo heshiisiinta khilaafaadka beelaha dhexdooda ka jira.
“Odayaasha dhaqanku waa muunad bulsho oo mudan xurmo iyo qadarin, una baahan in siyaasadda laga saaro” ayuu yiri mudane Maxamed Cabdiwahaab oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook.
“Doorkoodu waa hormarinta arrimaha dhaqanka, iyo heshiisiinta khilaafaadka beelaha dhexdooda ka jira” ayuu sii raaciyay wasiirka oo ku doodaya in odayaasha siyaasadda laga saaro.
Wasiirka ayaa dhinaca kale siyaasiyiinta mucaaradka ah ku tilmaamay kuwa siyaasadda ku wareeray oo raba in ay odayaasha dhaqankana ku wareeriyaan siyaasad.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.