
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Deni ayaa markii u horraysay waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka laga faafiyay ee ku saabsan in uu mudda kororsi qorshaynayo.
Madaxweyne Deni oo khudbad ka jeediyay munaasabadda Xuska Kowda Agoosto ee ka qabsoontay Madaxtooyada Garoowe ayaa gebi ahaanba si cad meesha uga saaray Arrinta mudda kororsiga.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaciyay in uu doorashada Madaxweynaha Puntland ku qabanayo wakhtigeeda rasmiga ah oo ku beegan 8 Jannaayo 2024.
“Waxa aan diyaar u ahay tartan axsaab ah 8-da January waxa aan ballan qaadayaa in haddii layga guuleysto in aan xilka si nabad ah u wareejiyo. Dalka nabad halloo daayo” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Hadalka Madaxweynaha ayaa meesha ka saaraya eedda siyaasiyiinta Mucaaradka Puntland ee ku saabsan in Siciid Deni uu qorshaynayo mudda kororsi sharci-darro ah.
Hoos ka daawo khudbada madaxweynaha
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.