Madasha siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Puntland oo ka horyimid wax ka beddelkii lagu sameeyay Dastuurka

Madasha siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Puntland ayaa maanta bayaan rasmi ah ka soo saaray wax ka beddelkii lagu sameeyay dastuurka Puntland.

Bayaanka ayaa lagu cambaareeyay islamarkaana go’aan sharciga baal-marsan ku tilmaamay wax ka beddelkii xildhibaannada Baarlamanka Puntland ku sameeyeen qodobka kamid ah dastuurka.

Madasha siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa sidoo kale sheegay in ay horay dacwad rasmi ah uga gudbiyeen hannaanka loo maray wax ka beddelka dastuurka Puntland.

Baarlamanka iyo madaxtooyada Puntland ayay sidoo kale ku eedeeyeen in ay isku milmeen kuna dhaqaaqeen tallaabo ka baxsan dastuurka iyo shuruucdii lagu doortay.

Madasha ayaa dhinaca kale ku baaqday in shir lagu samata-bixinayo dowladnimada Puntland ay isugu yimaadaan dhammaan siyaasiyiinta mucaaradka ah.

“Waxaan ku baaqaynaa shir lagu samata bixinayo dowladnimadda Puntland inay isugu yimaadaan dhamaan siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka Puntland” ayaa lagu yiri bayaanka Madasha.

PUNTLAND POST