Gadood xooggan oo maalmahan ka taagan Taliska Ciidamada Somaliland ee Gooja-cadde

Gadood ciidan oo xooggan ayaa sida lagu soo warramayo maalmahan ka taagan Taliska Ciidamada Somaliland ee Gooja-cadde.

Ciidamada Somaliland ee ku sugan duleedka Laascaanood ayaa waxa saamayn ku yeeshay khilaafka siyaasadeed ee gudaha Somaliland.

Ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in dhawaan ciidamo ka goostay Taliska Gooja-cadde ay ku biireen jabhad ka samaysan tahay gudaha Somaliland.

Intaas kadib waxa xabsiga loo taxaabay saraakiil laga shakiyay oo hal beel ka soo jeeda waxaana la sheegayaa in uu tallaabadaas ka dhashay gadood ciidan oo xoogan.

Gadoodka ayaa imaanaya xilli uu weli duleedka Laascaanood ka taagan yahay dagaalka u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo dadka degaanka SSC-Khaatumo.

PUNTLAND POST