
Xogta ku gedaaman xaaladda Garoowe ayaa tilmaamaysa in aysan muuqan wax xiisad dagaal ah oo ka taagan magaalada.
Ciidanka dowladda iyo ciidamada taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa ku kala sugan xarumahoodii hore islamarkaaana ma jiraan wax dhaq dhaqaaqyo ciidan ah oo ka socda caasimadda.
Shirar is-daba joog ah oo xal loogu raadinayo khilaafka dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa sidoo kale xalay ka qabsoomay hoyga Islaan Ciise Islaan Maxamed uu ka degan yahay magaalada.
Wararka ayaa sheegaya in Islaan Ciise Islaan Maxamed uu dhanka mucaaradka ka codsaday in ay ka war sugaan waan-waanta socota islamarkaana aysan wax dhaq dhaqaaq ah samayn inta lagu jiro dadaallada xal u raadinta khilaafka labada dhinac.
Dhinaca kale Baarlamanka Puntland ayaa lagu wadaa in uu saaka oo Talaado ah yeesho fadhigiisa caadiga ah inkastoo aysan weli caddayn in lagaga hadlayo arrinta furista dastuurka ee lagu muransan yahay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.