Wararkii u danbeeyay ee waan-waanta lagu xallinayo xiisadda ka taagan Puntland

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa maanta xarunta madaxtooyada kula shirsan Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle.

Islaan Ciise iyo Islaan Bashiir ayaa muddooyinkii danbe ku hawllanaa xal u raadinta khilaafka dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Xukuumadda madaxweyne Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa ku muransan furista dastuurka iyo hubanti la’aanta doorashada 2024.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in madaxweyne Deni iyo isimada xal raadinta wadaa ay kulamadoodii hore isla garteen  in doorashada madaxweynaha ee 2024 wakhtigeed lagu qabto.

Waxaase weli wada-hadal uga socdaan qodoba ay ku jiraan furista dastuurka iyo hannaanka lagu soo dooranayo xubnaha Baarlamaanka sida ay aan ka xigannay ilo wareedyo ka agdhow labada dhinac.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa si weyn ugu eedeeya madaxweyne Siciid Deni in uu hannaanka doorashada qof iyo cod iyo furista dastuurka ku raadinayo mudda kororsi sharci-darro ah.

PUNTLAND POST