Madaxweyne Deni oo ka cudur-daartay in uu qaabilo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka

Madaxweyne Siciid Deni ayaa xalay ka cudur-daartay in uu la kulmo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Puntland.

Xildhibaannada oo fiidnimadii hore u dareeray xarunta madaxtooyada ayaa lagu wargeliyay in ay iska laabtaan islamarkaana uusan qaabili karin madaxweynaha.

“Waxaa na loo sheegay in aan iska laabano weliba qaab ixtiraam-darro ah. Madaxweynuhu idin qaabili mayo ayay nagu wargeliyeen qolada xafiiskiisa” sidaas waxa noo sheegay mudane ka tirsan Baarlamaanka.

Xildhibaannada ayaa caro kala soo laabtay xarunta madaxtooyada waxaase madaxweynuhu qaabilay guddoonka Baarlamaanka iyo madaxweyne ku xigeenka.

PUNTLAND POST