Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo lagu rakibay qalab ka caawiya garaaca wadnaha

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo ku jira isbitaal ayaa maanta oo Axadda ah lagu rakibay qalab wadnihiisa caawinaya.

Iyadoo Israa’iil ay ku jirto qalalaasihii siyaasadeed ee ugu xumaa muddo tobanaan sano ah, ayaa hoggaamiyahan 73-jirka ah waxaa Sabtidii loola cararay Xarunta Caafimaadka ee Sheba oo u dhow magaalada Tel Aviv.

Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sida la sheegay dareemaya xaalad wadne garaac oo saa’id ah taas oo kalliftay in lagu xiro qalab caawiya garaaca wadnaha.

Xafiiska Netanyahu ayaa sheegay in la filayo in uu isbitaalka ka baxo, waxaana uu intaa lagu daray in safarradii u qorsheysnaa in uu ku tago Qubrus iyo Turkiga dib loo dhigay.

PUNTLAND POST