Inta badan wasaaradaha Puntland oo qarka u saaran in ay xirmaan kadib markii kharash la’aan ku dhacday

Inta badan wasaaradaha Puntland ayaa sida la xaqiijinayo qarka u saaran in ay gebi ahaanba xirmaan kadib markii kharash la’aani ku dhacday.

Wararka ayaa caddaynaya in wasaaradaha kala duwan ee Puntland aysan wax kharash ah ka helin wasaaradda Maaliyadda tan iyo bilowgii sannadkan.

Shaqaalaha iyo ciidamada ayaa sidoo kale mushaaar la’aani ku dhacday in ka badan shan bilood sida aan ka xigannay dad xog-ogaal ah.

Mushaar la’aanta iyo kharashkii hay’daha dowladda oo mudda dheer laga la’yahay wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa horseeday in ay istaagaan inta badan hawlihii socday.

Mashaariicda horumarinta Puntland qaarkood ayaa sidoo kale istaagay kadib markii uu saameeyay khilaafka madaxweyne Deni iyo Villa Somalia oo ku muranaan dano shakhsiyeed.

PUNTLAND POST