Faratoon oo loo doortay guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland

Magaalada Hargeysa waxaa maanta ka dhacday doorashqda guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, waxaana xilkaas loo doortay xildhibaan Yaasiin Xaaji Faratoon oo ka tirsan xisbiga talada haye ee Kulmiye.

Faratoon waxaa u codeeyay 46 xildhibaan, halka musharaxii la tartamay Maxamed Khadar Daahir oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ee Ucid uu helay 35 cod.

Xilka loo doortay Yaasiin Faratoon waxaa 11 bishii hore ee June iska casilay Cabdirisaaq Khaliif, oo ay ka soo wada jeedaan gobolka Sool oo lixdii bilood ee la soo dhaafay uu ka socdo dagaal u dhexeeyay dadka deegaanka iyo ciidamada Somaliland.

PUNTLAND POST