Turkey iyo Imaaraadka Carabta ayaa saxiixday heshiisyo ku kacaya $50.7 bilyan ayada oo madaxweyne Erdogan uu soo geba-gebeeyey safar uu ku maray saddex dal oo ku yaalla Khaliijka.
“Maanta waxaan goobjoog noqonay saxiixyada dhowr heshiis oo istaraatijiyadeed iyo is-faham oo ku kacaya lacag dhan $50.7 bilyan si loo sii xoojiyo xiriirka Imaaraadka iyo Turkey,” Waxaa sidaas bartaTwitter kusoo qoray wasiirka maaliyadda Turkey Mehmet Simsek.
Heshiisyada waxaa ka mid ah maalgashiga dhoofinta, tamarta, difaaca iyo qaybo kale.
Madaxweyne Erdogan ayaa booqasho ku tagay Sacuudiga, Qatar iyo Imaaraadka Todobaadka, isaga oo fursado ganacsi iyo maalgashi u raadinaya dhaqaalaha liicaya ee Turkey.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.