Dagaalka Laascaanood wuxuu billowday 20 sano ka hor

W.Q. Aadan M. Daawad

Faratoon ma oga faraqa u dhexeeya 2003 iyo 2023

Dhowaan dagaalka Laascaaood wuxuu galayaa bishsiisii lixaad. Waa dagaalka sokeeye ugu waqti dheer Soomaaliya, dagaal markan ku salaysan qeyb ahaan in Soomaaliya hal dal oo mideysan sii ahaato ama dal kala go’go’a noqoto, mana jirto wax damaanad oo Soomaalidu hasytaan haddii Soomaaliya kala furfurato in dalal ay u qaybsami doonto, sida dadka qaarkood ay la tahay.

20 sano ka hor (2003) ayuu dagaalka Laascaanood si tartiib-tartiib ah u billowday. Yaasiin Faratoon oo ka faa’iideysanayay Madaxweynihii maamulka Somaliland ee xilligaas Daahir Riyaale Kaahin, ayaa ciidan Somaliland ka tirsan keenay Yagoori si miliishiyo beeleed isaga taabacsan ay mushaar u qaataan. Xilligaas maamulka Puntland wax hadal ah kama soo saarin. Maxamed Cabdi Xaashi (marxuum) ayaa ahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland. Sanad kaddib (2004) dagaal ayaa ka dhacay Adhicaddeeye, dagaalkaas oo muddo socday markii dambase istaagay.

Madaxweyne ku xigeen Maxamed Cabdi Xaashi muxuu ka yiri taallabadii Faratoon caaglayaasha ku keenay Yagoori?

Sanadkii 2007 ayuu isagana Axmed Cabdi Xaabsade ka faa’iideystay Riyaaale oo uu 2002 ka eryay Laascaanood. Xaabsade wuxuu soo aabaabushay ciidan beeleed Laascaanood ka soo galay koonfurta mgaalada Oktoobar 2007. Ciidankaan ayaa Laascaanood ka saaray ciidankii Puntland bishii Oktoobar 2007.

Daahir Riyaale waxaa ku adeegtay Faratoon iyo Xaabsade

Xaabsade uma suurtagalin inuu magaalada Laascaanood maamulo waayo waxaa isla markiiba ka awood-batay caaglayaashii Faratoon u ka abaabulay Yagoori oo noqday ilaaliyaasha ciidanka Somaliland ku sugnaa Laascaaanood markii dambase hubka laga dhigay 2023 markii la kala doorransiiyay is dhiibid ama in weerar lagu soo qaado. Kuwii diiday inay is dhiibaan waxaa lagu weeraray Xeradii Guulwadayaasha Laascaanood. Ciidankii uu Mahad Cambaashe ku tilmaamay ciidanka barakaysan ee Somaliland way u soo gurman waayeen waayo iyaga ayayba ku adkaatay inay ku soo noqdaan Laascaanood.

Xaabsade kama macaashin dibindaabyadii uu Puntland ku sameeyay. Dib buu ugu soo baxsaday Puntland markii caaglayaashii ka awoodbateen.

Labaatan sano kaddib Faratoon oo ah hawlgab (pensioner) dowladda Biritishku lacag hawlgab siiso ayaa damacsan inuu noqdo afhayeenka Baarlamaanka Somaliland. Faaratoon Jamaahiirta ayaa gacanta ku dhigtay Febraato 2023. In guriga Ugaaska Xasan Ugaas la geeyo ayuu codsaday. Sidaas ayuu dib ugu nqoday Hargeysa oo hadda uu ku sugan yahay isagoo ku doodaya iin ciidanka beesha Dir ku sugnaan karaan dhulka beeshiisu degto. Dhowaan Gaboose ayaa u ololeeyay in Faratoon noqdo afhayeenka baarlamaanka Somaliland, isagoo taageeray duqeynta Laascaanood maamulka goosasho-doonku u geysto, meelna kaga dhacay aqoonta caafimaadka uu soo bartay.

Casharrada dagaalka Laascaanood laga bartay waxaa ka mid ah: haddii tallaabo laga qaado horgalayaasha, marnaba uma suurtagalayso midnimo-diidka inay siyaasadahooda ka fuliyaan dhulka midnimo-doonka. Muuse Buuxi dhowaan wuxuu sheegay in “Somaliland aysan xitaa ka baqayn qumbulo Durriya “nuclear weapons” wuuna diiday baaqii Golaha Ammaanka isagoo ku dooday inuu ku jiro dagaal la mid ah kii Imbaradooriyaddii Biritayn ku jirtay oo uu xuduudihii markaas jiray ilaalinayo. Yaa Biixi taariikhda inuu sidaas wax uga soo dhambasho ku kallifay? Halkaas dhaawac weyn baa magaca Soomaaliyeed soo gaaray.

Xilkasnimodarro: Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu Muqdisho kula kulmay Rashiid Cabdi oo been ka fidiyay Laascaanood.

In qarniga 21aad dad Soomaaliyeed taariikh gumeysi barakeeyaan oo maanta macatabkii Menelek ka dhigaan kii Geeska Afrika ka difaacayay gumeysiga waa nasiibdarro weyn. Muuse Biixi wuu doonayaa in Soomaalida loo arko dad damiir ahaan jabay (morally defeated). Jabka ciidan waa laga kabtaa laaakiin jabka damiirka lagama kabto. Yurub carruurteeda ma barto taariikhdii gumeysiga iyo gaboodfalladii  gumeystayaashii ka geysteen Afrika.

Faratoon oo dhashay 1946 maanta da’diisu waxay cagacagaynaysaa 80 sano. Wuxuu doortay in ciidanka beesha Dir u dhintaan himiladiisa in Caagle sare Mahad Cambaashe dib ugu soo noqdo Laascaanood.  Faratoon iyo dadka la mid ka ah haysta dhalashada Biritayn waxay dowladda Biritayn u nuglaynayaan in lagu eedeeyo inay kaalin dadban kuleedahay dagaalka sokeeye ka socda Waqootiga Soomaaliya inkastoo Biritayn gebi ahaanba ay joojisay taageeradii dhanka amniga ay siin jirtay maamulka Somaliland uguna baaqday Muuse Biixi inuu ciidankiisa la baxo waayo Biritayn ma aamminsana inay maanta ilaaliso beelo gaar ah oo heshiis la saxiixday London. Heshiiskii maxmiyaddu wuxuu dhammaaday 26 Juunyo  1960. Iska caabbinta ay dadka Laascaanood muujiyeen ayaa sababtay in beesha caalamka iyo Golaha Ammaanku ugu baaqaan Somaliland la baxdo ciidan beeleedkeeda.

Qalin kiraysan: Rashiid Cabdi oo midnimodiidku lacag siiyaan wuxuu ku sifoobay inuu yahay been fidiye.

15 daqiiqadood ayay xoogag isbaabulay uga saareen ciidanka Somaliland Laascaanood, markii dambena ku qasbeen inay ka baxaan Tukaraq. Hadda waxay ciidankoodu ku uruursan yihiin dhul aan ka badnay 5 KM aagga Goojacadde. Dooddii Biixi in argagixiso Laascaanood joogto waxay noqotay been. Keliya waxaa beentaas fidiya Rashid Cabdi oo dhowaan Muqdisho kula kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.  Madaxweynaha Soomaalida Xasan Sheekh waajibkiisii maanta dad qabta oo u caqli-celiya wuu leeyahay haddii uu garan waayay inuu u dhaartay qaranka Soomaaliya dhowristiisa iyo inuusan kuwa dadka Soomaaliyeed beenta ka fidiya uusan ku sharfin kulan gaar ah. Madaaweyne Xasan haddii suu si qabqablenimo ah u dhaqmo miyaa lagu taageerayaa?

Kaalinta Puntland

Puntland waxay haysataa kalsoonida buuxda ee dadka SSC waayo waxay muujisay  dhexdheexaadnimo halka Somaliland dooratay ku tiirsanaan caaglayaal. Sida Somaliland ugu sugnayd Laascaanood ayaa keentay inay hal koox uun ku tiirsanaato, iskuna daydo inay ku qasabto inay dadka intiisa kale gacanyareyaal u noqdaan kooxdaas. Puntland waxay sidoo kale taageertay baaqii 6 Febraayo 2023 ee Laascaanood. Dhexdhexaadnimada Puntland waxay soo dedejisay in dadka SSC la yimaadaan xal ay iskaga qabanayaan horgalayaasha oo cabasi darteed u qaybsamay qaar is casilay, qaar Jigjiga u qaxay iyo qaar cafis dalbaday oo dadkooda la aragti noqday.

Somaliland Laascaanood waxay ku ahayd awr-kiraale weliba lacag siinaysay caaglayaasha soo kireystay. Ilaa hadda 123 horgale ayaa ku baxay gacmaha xoogag diidannaa caaglayaasha iyo awr-kiraalahooda oo maanta talo ay kaga soo ururtay hadalkii Axmed Yaasiin, “ilaa askariga ugu dambeeya dhinto kama baxayno Laascaanood”, hadal uu yiri intii Tukaraq aysan ka bixin.  Somaliland ciidankeedu waa aalad horgalayaashu adeegsanayeen si ay dadka u cabburiyaan. Markii horgale tallaabo laga qaaday uun bay adkaatay in Somaliland sheegato inay tahay maamul xilkas ah; waxay dooratay inay duqayso Laascaanood, halkaasna ay ku noqotay maamul la dagaallamaya midnimada qaran iyo dhuleed ee Soomaaliya.