Turkiga iyo Sacuudiga oo kala saxiixday Heshiisyo Taariikhi ah

Turkiga iyo Sacuudi Carabiya ayaa kala saxiixday heshiisyo ka kooban maalgashiga, warshadaha difaaca, tamarta iyo isgaarsiinta.

Dhowr qandaraas, oo uu ku jiro heshiiska Drone-ka ee lala galay shirkadda gaarka loo leeyahay ee Baykar, ayaa la saxiixay intii uu socday kulan dhex maray Madaxweyne Erdogan iyo dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman oo Isniintii ka dhacay magaalada ku teedsan Badda Cas ee Jeddah.

Haluk Bayraktar, oo ah madaxa shirkadda soo saarta drone-ka ee sidoo kale uu wax ka maamulo wiil uu sodog u yahay Erdogan, ayaa qoraal uu twitter-ka soo dhigay ugu yeeray heshiiska “qandaraaskii ugu weynaa ee dhoofinta dhanka difaaca iyo duulista ee taariikhda Jamhuuriyadda Turkey.”

Erdogan, oo doorashooyinkii May ku guuleystay muddo xileed kale oo shan sano ah, ayaa ku sugnaa Sacuudiga isaga oo billaabay safar uu ku marayo Khaliijka, isaga oo taageero u raadinaya dhaqaalaha sii xumaanaya ee Turkey.

Hoggaamiyaha Turkiga ayaa Isniintii gaaray Sacuudiga, taasoo qeyb ka ah booqasho saddex maalmood ah oo uu ku marayo dalalka Khaliijka, si uu u xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya. Erdogan ayaa Sacuudiga kadib booqan doona dalalka Qatar iyo Imaaraadka Carabta.

PUNTLAND POST