
Magaalooyinka Puntland ayaa aad looga cabanaya kooxaha hubaysan ee lala xiriirinayo maandooriyaha Khamriga.
Kooxahan oo ku lebbisan tuutaha ciidamada dowladda ayaa xilliyada habeenkii ah falal amni-darro ka sameeya magaalooyinka Puntland.
Caasimadda Garoowe ayaa kamid ah meelaha sida weyn looga cabanayo kooxaha adeegsada maandooriyaha Khamriga oo habeenkii jidadka u soo baxa.
Kooxahan hubaysan ayaa falal amni-darro oo joogta ah ku haya shacabka waxaana xaafadaha qaarkood laga soo tebiyay in ay dhac ka geysteen.
Laamaha Amniga Puntland weli wax jawaab ah kama bixin cabashada xooggan ee laga muujinayo kooxaha hubaysan ee Khamriilayaasha.
Wararka ayaa sheegaya in kooxahan qaarkood ka tirsan yihiin ciidamada kala duwan ee dowladda Puntland gaar ahaanna ciidanka Daraawiishta.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.