
Dagaal ayaa mar kale saaka dib uga bilowday degaan ka tirsan Gobolka Togdheer oo ay shalay ku dagaallameen laba beelood.
Dagaalka labada beelood ayaa ka socda balliga lagu magacaabo Dhaal-maygaag oo u dhexeeya degaannada Horufadhi iyo Qorilugud ee Gobolka Togdheer.
Faahfaahin sugan lagama hayo khasaaraha ka dhashay dagaalka labada beelood oo sida wararku sheegayaan salka ku haya muran dhuleed.
Beelaha dagaallamaya oo ka soo kala jeeda Somaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale saacadihii u danbeeyay gurmadyo xooggan ka helay labada dhinac.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.