Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ee Puntland oo diyaariyay dacwad ka dhan ah furista dastuurka

Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Puntland ayaa sheegaya in ay diyaariyeen dacwad ka dhan ah furista dastuurka Puntland.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee diiddan furista dastuurka ayaa saaka ku sugan xarunta maxkamadda dastuuriga ah ee magaalada Garoowe.

Xiriir aan la samaynay waxay noo sheegeen in ay maxkamadda dastuuriga ah u gudbinayaan dacwad ka dhan ah furista dastuurka oo ay ku muransan yihiin xukuumadda iyo mucaaradka.

Dacwadda waxa kale oo  ku qoran sida ay xaqiijiyeen eedaymo ka dhan ah xukuumadda madaxweyne Deni oo u ololaynaysa arrinta wax ka beddelka dastuurka.

Siyaasiyiinta saaka ku sugan xarunta maxkamadda dastuuriga ayaa sidoo kale sheegaya in ay weli la’ yihiin cid ka qabata dacwadda si ay ugu gudbiyaan maxkamadda dastuuriga ah.

PUNTLAND POST