
Xarunta Jaamacadda Boosaaso-Garoowe, waxaa ku soo xirmay Bandhiga Todobaadka Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed oo Sannadkiiba mar lagu qabto.
Bandhiga waxaa ka qayb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, Siyaasiyiin hore, Aqoonyahanno iyo Bahda Dhaqanka iyo Suugaanleyda Soomaaliyeed.
Xuska oo si weyn loo agaasimay ayaa lagu soo bandhigay guud ahaan Agabka kala duwan ee Hiddaha iyo Dhaqanka soo jireenka ah ee Soomaaliyeed.
Waxaa kale oo lagu soo bandhigay falanqayn iyo dood cilmiyeedyo ku saabsan xiriirka Dhaqanka wanaagsan ee Soomaalida iyo Diinta Islaamka.
Bandhiga ayaa sidoo kale lagu gorfeeyay diraasado laga sameeyay Taariikhda iyo Sooyaalka dhammaan qaybaha kala duwan ee Suugaanta Soomaaliyeed.
Bandhigan Todobaadka Hiddaha iyo Dhaqanka ee ay qabatay Jaamacadda Boosaaso-Garoowe, waxaa dhanka Dhaqaalaha ka taageerayay Ururka Dhalinyarada YPEER oo kaashanaya Midowga Yurub iyo Hay’adda UNFPA.
Halkaan ka daawo Muuqaalka iyo Sawirada









































PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.