
Shir weyne wada-tashi ah oo uu iclaamiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu saaka ka furmo Muqdisho.
Shirkan ayaa looga hadlayaa sidii wax ka bedel loogu sameyn lahaa qodobada qaar ee heshiiskii Madasha Wada-tashiga Qaran oo ay diidan yihiin inta badan siyaasiyiinta mucaaradka ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gudoomin doono shirka ayaa la filayaa in uu warbixin ka siiyo mas’uuliyiinta iyo siyaasiyiinta ka qayb-galaysa sida dowladdiisu ay dooneyso in ay u wajahdo hanaanka doorasho ee dalka marka lagaaro dhamaadka mudo xileedka dowladda.
Xubnaha ka qeybgalaya shirkan oo u badan ra’iisul wasaarayaal iyo gudoomiyayaal baarlamaan oo hore waxaa kamid ah Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Khayre, Cumar C/rashiid,C/weli Gaas, Sheekh Aadan Madoobe iyo Maxamed Mursal Sheekh.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.