Dibad-baxyo rabshado wata oo ka dhacay dalka Kenya

Booliska Kenya ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa ku furay dibad-baxayaal dhegaha ka furaystay mamnuucis ay booliska saareen mudaaharaadyo uu ku baaqay hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, oo ka dhan canshuur kordhin ay sameysya dowladda.

Dukaamada ayaa la xiray, islamarkaana ammaanka ayaa aad loo adkeeyey caasimadda Nairobi, halkaasi oo booliska la geeyey islamarkaana ay sunta dadka ka ilmeysiisa ku fureen dibad-baxayaal dhagxaan turayey, xaafadda isku raranta ee Mathere.

Sidoo kale sunta dadka ka ilmeysiisa ayaa loo adeegsaday in lagu kala eryo dibad-baxayaal isugu soo baxay magaalada Mombasa.

Toddobaadkii tegay, dibad-baxyo ka dhacay magaalooyin dhowr ah ayaa isu rogay rabshado, ayada oo lix qof lagu dilay, sida ay sheegeen wasaaradda arrimaha gudaha.

Dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyey booliska inay awood u adeegsadeen dibad-baxayaasha.

PUNTLAND POST