Midowga Afrika oo warqadaha Aqoonsiga ka gudoomay Safiirka Soomaaliya ee Addis ababa

Safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya u magacowday dalka Itoobiya ahna wakiila joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan Midowga Afrika ayaa gaaray magaalada Addis Ababa.

Guddoomiyaha guddiga midowga Afrika danjire Muusa Faki ayaa xafiiskiisa Addis Ababa ku soo dhoweeyey danjiraha Soomaaliya ee dalka Ethiopia mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ahna wakiilka joogtada ah ee midowga Afrika.

Guddoomiyaha guddiga midowga Afrika  ayaa sidoo kale  safiir Warfaa si rasmi ah uga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo.

Danjire Warfaa ayaa dhankiisa uga mahad celiyay midowga Afrika kaalinta wax ku oolka ah ee uu markasta ka qaato dawlad dhiska Soomaaliya, sidoo kale safiir Warfaa wuxuu tilmaamay muhiimada ay leedahay sidii loo laba jibaari lahaa xiriirka iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa dawladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika.

PUNTLAND POST