
Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa si rasmi ah u ogolaaday in dowladda Sweden ku biirto isbaheysiga NATO.
Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltensberg ayaa sheegay in madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu ogoladay in Sweden ku biirto xubinimada NATO.
Xoghayaha NATO ayaa hadalkan sheegay kadib kulan uu la qaatay madaxweyne Erdogan iyo ra’iisal wasaaraha Sweden, ka hor kulanka isbaheysiga NATO uu ku yeelanayo Lithuania.
“Tani waa maalin taariikhi ah, sababtoo ah waxaa helnay ballan-qaadka Turkiga ee ah, inuu ka shaqeeyo ansixinta xubinimada Sweden ee NATO” ayuu yiri Stoltenberg.
Go’aankan lama filaanka ah ee uu ku dhawaaqay xoghayaha NATO ayaa jidka u xaaraya in Sweden ay noqoto dalka 32aad ee ku biira isbaheysiga NATO.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.