Ra’iisul wasaarayaashii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiweli Gaas oo muddooyinkan ku sugnaa Garoowe ayaa lagu wadaa in ay u safraan dhinaca magaalada Muqdisho.
Labada mas’uul ayaa Puntland u yimid xal u raadinta xiisadda siyaasadeed ee u dhexaysa xukuumadda madaxweyne Deni iyo mucaaradka, taas oo sababtay dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Garoowe.
Intii ay joogeen Puntland, waxay shirar kala duwan la yeesheen madaxda dowladda, siyaasiyiinta mucaaradka, isimada dhaqanka qaarkood iyo qaybaha kala duwan ee buldhada.
Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiweli Gaas ayaa la filayaa in ay ka hor safarkooda Muqdisho war ka soo saaraan wixii uga qabsoomay dadaalladii ay wadeen ee xal u raadinta dagaalkii ka dhacay Garoowe.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.