Maxkamadda dastuuriga ah ee Somaliland oo diiday codsi uga yimid guddiga doorashada maamulkaas

Maxkamadda dastuuriga ah ee Somaliland ayaa maanta diiday codsi ay hore ugu gudbiyeen guddida doorashooyinka Somaliland oo ay kaga dalbadeen fasiraad sharci oo la xiriirta Arrimaha doorashada.

Maxkamadda ayaa sidoo kale ku amartay guddiga in ay cayimaan wakhtiga doorashooyinka maadaama ay tahay awooddooda sida uu dhigayo qodobka 16aad ee xeerka doorashooyinka guud ee Somaliland.

Arrintan ayaa ka dhigan in hadda guddida doorashooyinka ay u taallo in ay ku dhawaaqaan jadwalka doorashada iyo weliba tan soo horraynaysa labada doorasho ee ururrada iyo Madaxtooyada.

PUNTLAND POST