
Kalluumeysatada magaalada Boosaaso ayaa isugu soo baxay mudaharaad, iyaga oo wata kalluunkii ay saaka soo dabteen.
Waxa ay ka cabanayaan in suuqii kalluunka laga xirey, iyaga oo dowladda ku eedeeyey in ay damacsan tahay in ay ka rarto kuna wareejiso ganacsade gaar ah.
Kawaankan kalluunka waxa la dhisey xilligii dowladdii Gaas, waxaase muddooyinkan isa soo tarayey in ganacsade gaar ah lagu wareejinayo.
Suuqa kalluunka Boosaaso waa kan ugu weyn ee kalluun ee Puntland oo gobollada kala duwan u rara kalluun, taasi oo ka dhigan in maanta ay kalluun yaraan ka jireyso badi gobollada Puntland.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.