Dad rayid ah oo ku geeriyooday qarax ka dhacay Gobolka Hiiraan

Khasaare nafeed ayaa ka dhashay qarax miino oo ka dhacay degaanka Jicibow oo qiyaastii 25km dhanka waqooyi kaga beegan degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan

Qaraxan oo dhacay gelinkii danbe ee shalay waxaa sida la xaqiijiyay ku naf waayay 7 ruux oo laba qoys ahaa, dadka dhintay lix kamida waa rag, halka qofka kale ay tahay dumar.

Waqtiga uu qaraxu dhacayay, dadkaan ayaa dib ugu soo laabtay guryahoodii ka dib muddo dheer oo ay ka shaqaynayeen beerahooda.

Degaanka Jicibow oo uu qaraxu ka dhacay ayaa kamid ah degaanadii laga xoreeyay  Alshabab, waxaana halkaas ka howlgala ciidamada Dowladda iyo kuwa dib u xoraynta Hiiraan.

PUNTLAND POST