Al-shabaab oo dib u qabsaday degmada Xagar ee Gobolka Jubada Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubada Hoose ayaa tilmaamaya  in maleeshiyaadka Al-shabaab ay dib u qabsadeen degmada Xagar ee Gobolkaas.

Ciidamada Jubaland oo kaashanaya cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa shalay la wareegay degmada Xagar kadib markii ay ka saareen dagaallamayaasha Al-shabaab.

Waxaase wararku sheegayaan in maleeshiyaadka Al-shabaab oo dagaal rogaal-celis ah soo qaaday ay dib u qabsadeen Xagar islamarkaana ciidamada Jubaland iyo kuwii dowladda Federaalka isaga baxeen halkaas.

Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada Jubaland iyo ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama hadlin dib u qabsashada Al-shabaab ee degmada Xagar oo ku taalla goob istiraatiiji ah oo laga difaaco magaalada Bu’aale oo ay mudda ka badan 15 sano haystaan Al-shabaab.

PUNTLAND POST