
Dab aad u xooggan oo xalay ka kacay suuqa Taywaan ee magaalada Jigjiga ayaa qayb ahaan la xakameeyay inkastoo aan weli lagu guulaysan demintiisa.
Dabka oo si xawli ah uga holcaya suuqa Taywaan ayaa laga xakameeyay in uu ku faafo suuqyada iyo goobaha ganacsiga ee ku xeeran suuqa gubanaya.
Ciidanka Dab-demiska caasimadda Jigjiga oo kaashanaya shacabka magaalada ayaa weli la tacaalaya deminta suuqaas oo ay ku baaba’day hanti fara badan.
Waxaa sidoo kale weli socda gurmadka ka imaanaya magaalooyinka ka baxsan Jigjiga si ay qayb uga noqdaan deminta dabka ka holcaya suuqa.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.