Isku shaandheyn kooban oo lagu sameeyay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Bare ayaa caawa isku shaandheyn kooban ku sameeyay qaar ka mid ah golihiisa wasiirada.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo magacaabay Biixi Iimaan Cige, iyadoo xilkaas laga qaaday Cilmi Maxamuud Nuur.

Sidoo kale Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa loo magacaabay Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim, xilkaas waxaa hore u hayay Biixi Iimaan Cige.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha ayaa loo magacaabay Saadad Maxamed Nuur Caliyow, halka xilkaas laga qaaday Ilyaas Cali Xasan.

Wasiiru Dowle ayaa lagu soo kordhiyay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, waxaana xilkaas loo magacaabay Abuukar Jeylaani Sheekh.

PUNTLAND POST