Agaasimaha Sirdoonka Kenya oo maanta booqasho ku tegay magaalada Muqdisho

Agaasimaha Guud ee Nabadsugida iyo Sirdoonka Kenya NIS Nuradiin Yusuf Xaaji ayaa saaka booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Waxaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugida Soomaaliya Mahad Salaad

Booqashadan ayaa ah tii u horreysay oo Muqdisho ku tago, iyadoo maalmo ka hor uu Taliyaha Sirdoonka Kenya uu booqasho qarsoodi ku tagay magaalada Kismaayo.

Labada hey’adood ee Sirdoonka Kenya iyo Soomaaliya ayaa ka wada hadli doona iskaashiga u dhexeeya iyo la dagaalanka argagixisada.

Bishii hore ayaa Sirdoonka Kenya xiray Ganacsade reer Mombasa ah, kaasoo lala xiriirinayo in uu ku lug lahaa labo shixnad oo isugu jira qalab ciidan iyo walxaha qarxa oo bilo ka hor lagu qabtay dekedda Muqdisho.

Ka hor inta aan la xirin Ganacsadahan laanta la dagaalanka Argagixisada Kenya ATPU waxay xog ku heshay in ninkaan uu taageero saadka ah u fidin jiray Al-Shabaab.

PUNTLAND POST