Turkiga iyo Masar oo safiiro is dhaafsaday

War qoraal ah oo ay si wada jir ah u soo saareen wasaaradaha arrimaha dibadda ee Turkiye iyo Masar ayaa lagu sheegay in labada dal ay magacaabeen laba safiir oo ka shaqeyn doona dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya dhinacyadaasi.

Turkiye ayaa u magacaabay Salih Mutlu Sen inuu noqdo safiirka dalkaasi u fadhin doona Masar,halka dowladda Masar ay safiir u magacaabeen  Amr Elhamamy,kaas oo ka howlgali doono Magaalada Ankara.

“Dadaalka cusub ee loo qwaaday soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal waxaa loo fuliyay si waafaqsan go’aanka ay qaateen madaxweynayaasha labada dal,” ayaa lagu yiri bayaankaasi.

“Tallaabadan waxay ujeedadeedu tahay dib-u-habaynta xiriirka labada dal,waxayna ka tarjumaysaa rabitaanka wadajirka ah ee lagu hagaajinayo xiriirka laba geesoodka ah ee danaha dadka Turkiga iyo Masar.”

PUNTLAND POST