Puntland: Siciid Deni iyo Axmed Karaash oo isku khilaafsan qorshaha mudda kororsiga dowladda

Ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland, Siciid Deni iyo madaxweyne ku xigeenka, Axmed Karaash aysan isku aragti ka hayn qorshaha mudda kororsiga ee dowladdu waddo.

Madaxweyne Deni ayaa sida la xaqiijinayo riixaya in uu mudda kororsi samaysto, islamarkaana aanu doorasho ku qaban wakhtigii sharciga ahaa ee la doortay oo ku eg 8 Jannaayo 2024.

Waxaase wararku tilmaamayaan in qorshaha mudda kororsiga uu diiddan yahay madaxweyne ku xigeenka, Axmed Karaash oo raba in doorashada wakhtigeeda lagu qabto.

Mudane Axmed Karaash ayaa sida la sheegayo ku doodaya in haddii mudda kororsi yimaado uu horseedayo qalalaase amni iyo dagaal sokeeye oo ka qarxa Puntland, sidii horeba laga dhaxlay mudda kororsigii sannadkii 2001.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo hadda Xajka ku maqan ayaa la filayaa in marka uu soo laabto uu si rasmi ah u caddeeyo mowqifkiisa hubanti la’aanta ay Puntland wajahayso.

PUNTLAND POST