
Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa dhawaan ku wajahan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.
Madaxweyne Faroole ayaa Garoowe u imaanaya si uu qayb uga noqdo xallinta is-marin waaga siyaasadeed ee ka dhex aloosan dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.
Dhinaca kale waxaa maanta Garoowe soo gaaray Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas.
Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiweli Gaas oo ay weheliyaan siyaasiyiin kale ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Garoowe waxaana ay sheegeen in ay u yimaadeen xal u raadinta khilaafka dowladda iyo mucaaradka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.