Sirdoonka Maraykanka oo fursad ku helay Ruushka

Dagaalka Ukraine ayaa saamayn xun ku yeeshay hoggaanka Ruushka ee Vladimir Putin, sida uu sheegay madaxa hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA-da.

Agaasimaha hay’adda CIA-da William J Burns ayaa sheegay in kalsooni la’aanta Ruushka ee dagaalka Ukraine ay CIA-da siinayso fursado cusub oo ay ku ururiyaan sirtooda.

William J Burns ayaa faallooyinkan ka sheegay mar uu Khudbad sanadlaha ka jeedinayayay Ditchley Foundation oo ku taalla dalka UK.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya kadib toddobaad markii ay dhaceen gabood-falladii uu sameeyay madaxa Wagner Yevgeny Prigozhin

PUNTLAND POST