Waxaan arkaa marar badan qof Soomaali ah, dhalin yaro ah, aqoon yahan ah, hadana markay noqoto fahanka iyo adeegsiga internet-ka ay aqoontiisa iyo garashadiisu aad u hooseyso, markaas ayaan waxaan isweydiiyaa bal inta kale dadka Soomaalida ka waran.
Muxuu qofka caadiga ah ee Soomaaliga ah (average Somali person) ka garanayaa teknolajiyadda caalamka ee maanta hadiiba kii aqoon yahanka ahaa ee da’da yaraa uu sidaa uga aradan yahay isticmaalka iyo adeegsiga internetka iyo waxyaalaha la halmaala?.
Waxaan kaloo garowsaday sida ay u yaryihiin goobaha lagu baran kari lahaa cilmiga teknolajiyadda casriga ah ee IT, software, Internet iwm. Bal eeg iskuulada ama goobaha maanta lagu barto cilmiga kumbuyuutarka, maxay kaga duwan yihiin kuwii jiri-jiray shagaa shamaadkii (1990s)?.
Waxaan marar badan is iraahdaa ar-maaba waagaas hore xaalka roonaa waayo aniga ayaa ka mid ah ardaydii xiligaas baratay kumbuyuutarka kuna bartay magaalada Boosaaso intii u dhexeysay 1993-1994 kadibna noqday macalin dhiga intii aan bartay wixii loo gaaray dhamaadkii 1994. Maadooyinka aan xiliga bartay waxaa ka mid ahaa DOS (disk operating system) oo u dhigmay Windows, WordPerfect oo u dhigmay Ms-Word, Lotus 123 oo u dhigmay Excel, DB oo u dhigmay MS access ee dhinaca databaseka iwm.
Iskuulka aan dhigtay waxaa la oran jiray CTI (Computer Training Institute) wuxuuna ahaa kii ugu horeeyey ee laga furo deegaanada
Puntland xiligaas dad badan ayaana ka aflaxay oo markii danbe iskuulo kale oo IT ah furtay iyo kuwa badan oo shaqooyin ku helay dhinac dawladeed iyo dhinac hay’ad iyo ganacsi intaba. Waxaa iskuulka furay macalinna ka ahaa Eng. Yuusuf Cali Yuusuf lana dhihi karo wuxuu yahay ama noqon karaa aabaha horumarka teknolajiyadda ee Puntland ama Soomaaliyaba.
Wakhtigan hada la joogo ee 2023 ma helaysid iskuul IT oo qalabaysan oo maadooyinka kala duwan ee teknolajiyadda lagu dhigto sida asaasiyaadka computer (computer basics), borogaraam samaynta (programming), farsamada (technical courses like networking, repairing etc), adeegsiga iyo fahanka internetka guud ahaan iwm.
Waxaad arki meelo lagu barto IT-ga magaalooyinka waaweyn ee dalka gaar ahaan Puntland balse aan u qalmin goob waxbarasho waayo malaha qalab fiican, internet, lamana baro qofka wax ka baxsan asaasiyaadka hoose ee kumbuyuutarka (very basic IT course) sida windows, ms-word iwm. Nadaafada goobta, qalabka kumbuyuutarka ee yaal dhamaan waa alaab qadiim ah, software-ka ku jira waa kuwii hore sida kuwii soo baxay 2007 –kii iwm.
Waxaa intaa dheer markaad waraysato dadka goobahaas iska leh oo aad tiraahdo maxaad qalab fiican u dhigi weyday?, maxaad iskuulka u balaarin weyday?, waxay kuugu jawaabayaan maalgelin ma haysto ama waxayba ku dhahayaan cid waxbarata ma joogto iyo warar noocaas oo kale ah.
Hadaba miyeysan haboonayn in isbedel weyn lagu sameeyo fahanka iyo wacyiga hooseeya ee dadkeena ee dhinaca teknolajiyadda cusub ee internetku aabaha iyo hooyada u yahay. Dawlad, ganacsato iyo shacab maxaa la gudboon?
Waxaa muhiim ah oo lagama maarmaan ah in aan halkan ku cadeeyo in siyaasad dawladeed oo dhiiri gelisa barashada cilmiga teknolajiyadda la helo isla markaasna la helo ganacsato maalgelinaysa xarumo lagu barto cilmiga IT-ga nooc yadiisa kala duwan, Internetka iwm.
Waxaa sidoo kale isku xiran barashada cilmigan iyo wacyiga dadka ee fahanka guud ee teknolajiyadda in kor loo qaado isla markaasna la helo in dhalinta barata cilmiga teknolajiyadda cusub shaqo ka helaan qaybaha kala duwan ee dhaqaalaha dalka sida shirkadaha ganacsiga, hay’adaha dawladda iyo weliba in ay helaan maalgelin ay ku bilaabaan ganacsi ku dhisan teknalajiyadda cusub ee ay barteen.
Akhirstow ka waran hadii lagu yiraahdo:” Visada aad rabto inaad dal hebel ku gasho online ka soo dalbo/buuxso, ma kula tahay inaad hawshaas keligaa qabsan lahayd mise caawin baad u baahnaan lahayd?, ka waran sidoo kale hadii aad rabto inaad alaab online ka iibsato ma iibsan kari lahayd?, hadiise adiga aad intaas oo dhan qabsan karto imisa qof ayaad garanaysaa oo aan iyagu qabsan karin hawlahaas si iskood ah?.
Tusaalahan kore waa waxyaalaha qofka barta teknolajiyadda IT, internetka iwm uu si fudud ku qabsan karo isaga oo weliba garanaya waxkasta oo ku xeeran isticmaalka internet-ka.
Ujeedka qoraalkan aan ka leeyahay waa fahanka aan ka haysto muhiimadda teknalajiyadda cusub ee caalamka haraysay iyo khibradda aan u leeyahay dadkeyga Soomaaliyeed ee dhinaca barashada isticmaalka iyo adeegsiga internet-ka oo aan ogahay inay aad u hoosayso dibad iyo gudaba.
Tusaale: “Ka waran hadii 50,000 oo Soomaali ah lagu tababaro adeegsiga kumbuyuutarka, internet-ka iwm muddo laba sano gudahood ah- giving 50,000 Somali men and women digital literacy courses within two years across the country ”.
Tiradan dadka ah ee labari karo internet-ka, kumbuyuutarka iwm muddo laba sano ah waa hawl la qaban karo hadii ay iska kaa shadaan shirkadaha teknolajiyadda dalka sida Golis, Somtel, Amtel, Hurmuud iwm. Waana inay noqotaa waxbarashadaasi mid bilaash ah. Dawladda iyo maamulka kala duwan ee dalka ka jira ayaa iyaguna qayb ka noqon kara..
W/Q: Siyaad Cali Yuusf
Bare iyo Qoraa Teknoolajidda.