Puntland oo si weyn u xustay 1-da Luulyo

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa kaga qayb-galay Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe Munaasibadda Xuska Sanad Guurada 63-aad ee kasoo wareegatey 1960, xornimaddii Gobolada Koonfureed ee Dalka iyo midawgii ummadda Soomaaliyeed.

Munaasibadda xuska 1-da Luulyo waxaa qayb ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif oo ka mid ah masuuliyiinta SSC, maamulka gobolka Nugaal iyo kan Degmada Garoowe, siyaasiyiin, haween, dhallinyaro iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay munaasibadda ayaa hambalyo ku aadan Xuska Sanad Guurada 63-aad ee kasoo wareegatey xornimaddii Gobolada Koonfureed ee Dalka iyo midawgii u diray ummadda Soomaaliyeed, ummadda Puntland iyo ummadda SSC-Khaatumo.

PUNTLAND POST