
Dagaalkii ugu cuslaa ayaa hadda ka socda jiidda galbeed ee Laascaanood halkaas oo laga maqlayo hubka waaweyn.
Ciidamada Somaliland ayaa sida la xaqiijinayo weerar ku soo qaaday jiidda galbeed waxaana si weyn isaga difaacay xoogagga SSC-Khaatumo.
Dagaalka labada dhinac ayaa ka xooggan dagaalladii horay uga dhacay jihada galbeed ee Laascaanood sida laga soo xigtay dadka degaanka.
Labada dhinac ee Somaliland iyo SSC-Khaatumo midna kama hadlin khasaaraha dagaalka hadda ka socda furinta Laascaanood.
Sidoo kale weli xog sugan lagama hayo khasaaraha labada dhinac waxaana adag in warar madax-bannaan laga helo halkaasi.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.