
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa habeen danbe kulan afur ah ku ballamiyay xildhibaannada Baarlamanka Puntland.
Farriin qoraaleed kooban oo loo diray xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa lagu wargeliyay in habeen danbe madaxweyne Deni uu ku casumay kulan afur ah.
Baarlamanka Puntland ayaa dhawaan u codeeyay qorshaha furista dastuurka oo ay si weyn ugu muransan yihiin xukuumadda iyo siyaasiyiinta mucaaradka.
Tallaabada ay qaadeen ayaana sababtay in dagaal khasaare geystay ka dhaco caasimadda Garoowe kaas oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo ciidamo taabacsan mucaaradka.
Senetarrada laga soo doorto Puntland qaarkood iyo siyaasiyiin kale ayaa xildhibaannada golaha wakiilada Puntland ku eedeeyay in ay mas’uul ka yihiin dhibaatadaasi dhacday.
Xiisadda la xiriirta furista dastuurka iyo doorashada 2024 ayaa sidoo kale weli ka taagan Garoowe inkastoo ay socdaan dadaallo lagu dejinayo arrintaas.
Isimada dhaqanka Puntland oo raadinaya in xal nabadeed lagu dhammeeyo xiisadda ayaa dhinaca kale lagu wadaa in ay dhawaan soo gaaraan Garoowe.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.