Madaxweynaha Somaliland oo mar kale xalay si kulul uga hadlay dagaalka Laascaanood

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa xalay mar kale si kulul uga  hadlay dagaalka Laascaanood.

Madaxweyne Biixi oo khudbad ka jeediyay munaasabad ku saabsan 26-ka June oo Hargeysa lagu qabtay ayaa sheegay in Somaliland aysan weli wax weerar ah ku qaadin Laascaanood.

” Waxaa dagaal dhacayay maalin qudha Somaliland weerar may qaadin, xabadna kumay horayn, tu lagu soo rido oo ay iska daafacdo mooyaane ” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland.

” Shalay weerar madaafiic ah ayay soo qaadeen 2 dii ugu horeeyay ayay dileen. xaq ayuu u leeyahay ciidanku marka lasoo weeraro in uu jawaab culus bixiyo, ma jiro qof qaadanaya aan ku dile hayla hadlin ” ayuu sii raaciyay.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay xilli dhawaan isaga iyo taliyihiisa ciidamadu ay ku hanjabeen duullaan ka dhan ah reer SSC islamarkaana labadii maalmood ee u danbaysay dagaallo iyo duqaymo ba’an ku qaadeen Laascaanood.

PUNTLAND POST