Madaxweyne Deni oo sameeyay magacaabis

Qaanqaan (bidix), Jeer, Qarjab iyo Baaruud

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xilkii qaaday guddoomiyihii gobolka Nugaal Cawil Mataan iyo ku-xigeenadiisii, wuxuuna magacaabay mas’uuliyiin cusub.

Madaxweyne Deni ayaa taliyihii hore ee qaybta Booliska gobolka Nugaal Cabraxmaan Xaaji Abshir (Qaanqaan) u magacaabay guddoomiyaha gobolka Nugaal, halka guddoomiye ku-xigeenka 1-aad uu u magacaabay Mukhtaar Faarax Jeer, sidoo kale Cabdiraxmaan Ciise Maxamed (Bariir) ayuu u magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad.

Dhanka kale Madaxweyne Deni ayaa wasiirkii hore ee amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab u magacaabay la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha gudaha iyo amniga, halka uu wariyihii hore ee BBC-da Qaalib Xasan Maxamuud Baaruud u magacaabay la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha saxaafada iyo wacyigelinta.

Hooska akhriso wareegtooyinka

Garoowe: 25 June 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 31 ee 24-ka Juun, 2023, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo ku-xigeenadiisa

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dar-dar gelinta Maamul ee Gobolka Nugaal

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdiraxamaan Abshir Faarax loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal

2. Waxaa Mukhtaar Faarax Jeer loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka 1-AAD Gobolka Nugaal

3. Waxaa Cabdiraxmaan Ciise Maxamed (Bariir) loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka 2-AAD Gobolka Nugaal

4. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.


Garoowe: 25 June 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 36, Lr . 37 ee 24-ka Juun, 2023, kuna saabsan magacaabid La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Saxaafada iyo wacygelinta.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdi Xirsi Cali Qarjab loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Gudaha iyo Amniga.

2. Waxaa Qaalib Xasan Maxamuud Baaruud loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Saxaafada iyo Wacyigelinta

3. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD


PUNTLAND POST