Ruushka oo xaalad dagaal galay kadib hanjabaaddii kooxda Wagner

Madaxa kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner ayaa wacad ku maray in uu ka takhalusi doono hoggaanka militariga Ruushka kadib markii khilaaf soo kala dhex galay.

Madaxa kooxdaas oo lagu magacaabo Yevgeny Prigozhin ayaa hoggaanka militariga Ruushka  ku eedeeyay in ay weerar ku qaadeen ciidankiisa taasna ay ka jawaabi doonaan.

” Waan sii soconaa, waxaana tagi doonaa meesha ugu dambeysa. Waan burburin doonnaa wax walba oo inaga horyimaada ” ayuu yiri Yevgeny Prigozhin.

Waa caqabaddii ugu dhiirranayd ee uu la kulmay madaxweyne Vladimir Putin tan iyo markii uu billowday weerarka Ukraine sannadkii hore.

Waxa uu markii dambe sheegay in ciidamadiisa ay soo rideen diyaarad helicopter ah oo ay leeyihiin ciidamada Ruushka.

“Diyaarad Helicopter ah ayaa hadda rasaas ku furtay goob ay ku sugnaayeen dad rayid ah. Waxaa toogtay cutubyo ka tirsan PMC Wagner,” ayuu sii raaciyay.

Maamulka Ruushka ee ku sugan magaalada Rostov ee u dhow Ukraine ayaa ku booriyay dadka deegaanka inay guryahooda ku nagaadaan saaka oo Sabti ah waxaana heegan la geliyay ciidamada kala duwan ee Ruushka.

PUNTLAND POST