Puntland oo ahayd meelaha Soomaaliya ugu xasiloon uguna horumarsan waxaa ka dhacay iska horimaad hubaysan oo khasaare weyn dhaliyay mood iyo noolba. Inta baxday Allaha u naxariisto dhaawacana caafimaad fiican Allaha siiyo. Maxaa sababay? Waxaa sababay hurgumadii ka timid dhaqangelin la’aantii heshiiskii ama Jaartarkii 1998 iyo Dastuurkii 2012 qaybahoodii ugu muhiimsanaa oo ahaa in dadku hogaankooda siyaasadda iyagu doortaan. Waa arrintas oo ah yaan cidna loo xirin ka qaybqaadashada siyaasadda Puntland ee shacabku fagaare loo simanyahay ha ku doorteen hogaankooda siyaasadda. Waxa Puntland ka hortaan Dawladnimo daahfuran iyo in ay qaadato maqaamka Eebbe siiyay waa waxa aan doonayno in aan beddelno cidna duulaan kuma aha.
Puntland dhul ahaan waa 1/3 (3 meelood oo meel) Somaaliya, Eebbe waxa uu hoygeeda ka dhigay meesha labada badood ku kulmaan ee Geeska African kana dhigaysa meesha leh qiimaha istrategiyada ay Soomaaliya leedahay ee aad maqashaan. Waxaa Alle ku manaystay khayraad badan waxaana ugu mudan shacab Soomaalinimo, wadajir iyo dawladnimo Soomaaliyeed jecel una heelan sidii loo heli lahaa. Waxaa kaloo Alle ku manaystay Calmadow, Cal Miskaat iyo Cal Bari oo aan xogtooda hayno in khayraad ka buuxo ahna meesha uu ka soo jeedo magaca Dal-udug ama Puntland. Baddeeda kaliya waxaa sannadkii laga guran karaa cunto ka badan hal billion oo doolar iyadoo aan la xaalufin deegaanka. Hadal maleh khayraddka kale ee Puntland dhex jiifa mood iyo noolba. Sidaas oo ay tahay ayaa Puntland ay sabool tahay, aysanna lahayn dawladnimo daahfuran una adeegta daryeelka dadka iyo deegaanka. Maxaa ka hortaagan in Puntland ay qaadato maqaamka Allah siiyay?
Waxaa ka hortaagan nadaamka ogolaaday in shacabka beelihii wax loogu qaybiyay si kumeel gaar ah muddo saddex (3) sano ah wali uu shaqaynayo 25 sano ka dib. Nadaamkani wuxuu daa’imay in shacabka hogaankoodu beelo ka soo baxo taas oo meesha ka saartay wadaniyad iyo wada lahaanshaha dalka iyo dawladnimada Puntland iyo Soomaaliyaba. Waxaa kaloo hortaagan in hogaanka dalka ay gacanta ku dhigaan dad wakiilo ka ah beelo ee aan wakiil ka ahayn shacabka iyo dalka. Intaas waxaa dheer, iyadoo shuruucdii dawladnimada hagi lahayd aan loo hogaansamin ama murug iyo laaxin ku jiro. Tusaale:
I. Qodobada iswaafajinta u baahan maantayna ina horyaal waxaa ka mid ah: Qodobada 41 iyo 44(1) waxay si buuxda u cadaynayaan in qofka muwaadinka ah uu xaq u leeyahay in uu wax doorto lana doorto, iyo in uu sameeyo ama ku biiro urur ama xisbi siyaasadeed. Hase yeeshee, Qodobka 46 wuxuu u xirayaa tartanka siyaasadda saddex xisbi muddo toban sano ah. Intaa waxaa dheer, in xeerka Puntland ee No. 6 (7) uusan musharax noqon karin qof aan urur ama xisbi sharixin, taas oo xuquuqdii muwaadinka ee Dastuuriga ahayd lagu laalay. Waa xaaraam in ka qaybqaadashada siyaasadda loo xanibo kooxo gaar ah ee aan meesha ka saarno. Mar kasta oo doorasho joogto waa in qofkii raba iyo xisbigii raba uu ka qayb qaadan karaa doorashada sida dastuurku qabo iyadoo loo samaynayo xad (threshold). Farsamada waxaa ku filan “ahlu digri” aan danlay ahayn.
Haddaba, fursaddaas oo aan waligeed baarlamaanka soo marin ayaa baarlamaanka hortimid sax bayna tahay in aan siyaasadda Puntland qof iyo koox toonna loo xirin ee la saxo laaxinkaas.
II. Qodobada doorashada ee Dastuurka oo la laalay loona baahan yahay in la hirgeliyo waxaa ka mid ah: Qodobka 60 (2): Inta laga helayo tirakoob sugan, Golaha Wakiiladu waxa uu ka koob naanayaa 66 xildhibaan oo dadweynuhu ku soo doorto codbixin guud oo toos ah.
Qodobkaas waligeed Puntland lagama hirgelin, haddana waxaan leenahay maadaama aan aqoontii iyo agabkii doorashada hayno inta aan xilku ka dhammaan xukuumadda hadda jirta aan sidaas u soo doorano baarlamaanka. Yaynaan ku celin 66 beelo soo xulaan oo qarsoodi madaxweyne ku doorta.
Muddo Xileed Kororsi: Baarlamaanka Puntland, ogaalkayga, marna ka ma hadlin muddo kororsi Baarlamaan iyo Madaxweyne toonna. Xanna kuma maqal. Sidaan horay ugaga hadlayba ma qabo in Puntland ay ka hirgeli karto muddo kororsi maadaama aan waayo-aragnimo u leenahay khasaarihii horay uga dhacay mana qabo in ay hadda ka hirgasho. Haddaba, hadday dhiciwaydo in aan baarlamaanka ku soo doorano hal cod hal qof, sida sharcigu qabo, waxaa lagama maarmaan ah in la isaga yimaado oo wadatashi looga gudbo (Consensus). Kali talisnimo arrintan meel kuma leh. Balse, lama horistaagi karo fursadda ah in doorashada baarlamaanku ku qabsoonto qof iyo cod!
Maxay Puntland la dhaqaaqi wayday oo u yeelan wayday dawladnimo daahfuran una gudubta horumarka dalka? Waa muruggaa aan xusay oo ah in dalka iyo dadka lagu hayo 66 xildhibaan oo beelo ka wakiil ah ee aan ka wakiil ahayn bulshada Puntland. Waa iyadoo ay caado ahayd in Dastuurka qodobadiisa ugu muhiimsan ee doorashada lagu laali jiray LIFAAQ. Waa iyadoo saddexdi qaybood ee Dawladda oo loogu talagalay in ay isdheelitiraan oo mid walbi tan kale ilaaliso la hoos geeyay qof la yiraahdo Madaxweyne.
Yaynaan qaab-beeleedkii la soo maray oo ahaa shanti (5) sanoba nin lagu soo doortay aan fursad u siino in uu dal iyo dadba yeesho. Yaynaan shan (5) sano ka dib joogin meesha aan maantay joogno ee aan horay uga socono iyada oo aysan jirin MUDDO KORORSI.
W/Q: Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Maxamed (Siibad)
You must be logged in to post a comment.