
Shirka Golaha Wasiirada Puntland ayaa hadda ka socda Xarunta Madaxtooyada Garoowe.
Kulanka oo uu shir-guddoominayo Madaxweyne Siciid Deni ayaa looga hadlayaa Qodoba ay kamid yihiin Xaaladda magaalada Garoowe iyo Amniga guud ee Puntland.
Shirka ayaa la filayaa in ay ka soo baxaan Qodoba la xiriira Xaaladda taagan gaar ahaanna hubanti la’aanta ka jirta Garoowe oo uu sababay dagaalkii ka dhacay magaalada.
Dad badan ayaa tan iyo Xalay ka bara-kacay Caasimadda Garoowe kadib markii si weyn magaalada looga faafiyay warar xambaarsan dhiillo colaadeed.
Waxaase wararkaas beeniyay Guddiga Amniga Gobolka Nugaal islamarkaana sheegay in ay dhaqan-gashay Xabbad-joojintii ay dhinacyada dagaallamay dhex dhigeen Isimada Gobolka.
Xaaladda Garoowe ayaa hadda deggan waxaana la sugayaa in ay yimaadaan Isimada Puntland oo shir deg deg ah ka yeelanaya Khilaafka Siyaasadeed ee jira.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.