
Isimada dhaqanka Puntland ayaa lagu wadaa in ay shir deg deg ah ka yeeshaan khilaafaadka siyaasadeed ee ka taagan Garoowe.
Isimada ka maqan Garoowe ayaa saacadaha soo socda ku wajahan caasimadda oo sida qorshaysan uu ka furmayo shirkaas.
Isimada ayaa shirkooda uga arrinsanaya xallinta xiisadda siyaasadeed ee ka dhex aloosan xukuumadda madaxweyne Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.
Xiisadda labada dhinac oo la xiriirta furista dastuurka iyo hubanti la’aanta doorashada 2024 ayaa sababtay dagaalkii khasaaraha dhaliyay ee ka dhacay Garoowe.
Dagaalka ayaa bilowday kadib markii Baarlamanka Puntland uu si boobsiis ah ugu codeeyay wax ka beddelka dastuurka oo siyaasiyiinta mucaaradka ah ku tilmaameen xeelad mudda kororsi.
Intaas kadib islaan Ciise Islaan Maxamed iyo suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa ku dhawaaqay in ay xabbad-joojin ka ogolaadeen labada dhinac.
Dowladda ayaa sidoo kale ka hadashay xabbad-joojintii lagu dhawaaqay waxaana ay sheegtay in si rasmi ah loo dhaqan-geliyay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.