Faahfaahin ka soo baxaysa weerar qaraxyo iyo dagaal toos ah oo ka dhacay Baardheere

Faahfaahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa qaraxyo xooggan iyo dagaal toos ah oo maanta ka dhacay magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Qaraxyadan oo isugu jiro kuwa gawaari loo adeegsaday iyo kuwa rag jaakado qaraxyo wata ay fuliyeen ayaa waxa ku xigay dagaal toos ah oo khasaare sababay

Jugta qaraxyada oo cuslayd iyo hugunka rasaasta si weyn looga maqlay xaafadaha kala duwan ee degmada Baardheer sida ay sheegayaan goob-joogayaal.

Wararka ayaa sheegaya in goobta la weeraray maalmahan lagu tababarayay ciidamo la sheegay in ay xorayn doonaan Jubada Dhexe oo ay gacanta ku hayso Al-Shabaab.

War ka soo baxay maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa lagu sheegay in oo weerar ku bilowday qaraxyo ay ku beegsadeen xarumo ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Baardheer.

Al-shabaab ayaa sheegtay in xarumaha ciidamada Itoobiya ee la weeraray ay ku shirsanaayeen saraakiil Itoobiyaan ah sida ku cad qoraal ay soo saartay.

Weli lama hayo khasaaraha dhimashada oyo dhaawaca ee ka dhashay weerarka islamarkaana waxa yar xogta laga heli karo maadaama ay go’an tahay isgaarsiinta.

PUNTLAND POST