Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo dejiyo xiisadda magaalada Garoowe laguna soo dabbaalo xasilooni.
Bayaan ka soo baxay saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa ku baaqay in dhammaan dhimacyadu yeeshaan wada-hadal si loo xalliyo xiisadda taagan.
” Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda, laguna soo dabbaalo xasillooni”ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saartay Beesha Caalamka.
” Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan daneeyayaasha siyaasadda inay yeeshaan wadahadal, kaas oo ah tubta kaliya ee lagu xallin karo khilaafaadka ” ayuu sii raaciyay bayaanka.
Wakiilada Beesha Caalamka ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay saamaynta dagaalkii Garoowe ku yeeshay dadka rayidka ah.
” Saaxiibada beesha caalamka waxay ka walaacsanyihiin dirirta ka socota Garowe iyo saamaynta ay ku leedahay dadka rayidka ah ” ayay ku dartay bayaanka.
Beesha Caalamka ayaa sidoo kale tilmaantay in xasilooni-darrada Garoowe ay khatar galinayso natiijadii wanaagsanayd ee doorashadii qof iyo cod ee Puntland ka qabsoontay.
PUNTLAND POST